Huradada habeenkii iyo caafimaadka jidhka-2024

Hurdada habeenkii waxay leedahay faa’iidooyin badan oo muhiim u ah caafimaadka guud ee jidhka iyo maskaxda. Waxaa jira xidhiidh toos ah oo u dhexeeya hurdada wanaagsan iyo caafimaadka wanaagsan, waxaana ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee hurdada habeenkii laga helo qodobadan soo socda:https://nadifmark.com

 

(1)
✅️Difaaca Jidhka oo La Xoojiyo:
Hurdadu waxay muhiim u tahay hab-dhiska difaaca jidhka. Marka qofku si fiican u seexdo, jidhka ayaa soo saara proteins difaac oo loo yaqaan cytokines, kuwaas oo gacan ka geysanaya la dagaallanka infections ama caabuqyada. Hurdada wanaagsan waxay difaacdaa jidhka isla markaana waxay ka hortagtaa xanuuno baddan oo jidhka haleeli laa.

(2)
✅ ️Caafimaadka Wadnaha iyo Cadaadiska Dhiigga:
Hurdada habeenkii la seexdaa waxay yareysaa heerarka cadaadiska dhiigga, taas oo yareyn karta halista cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga, sida wadne-qabadka iyo istaroogga (stroke). Hurdadu waxay si toos ah u taageertaa shaqada wadnaha iyada oo hoos u dhigaysa culayska ku yimaada xididdada dhiigga.

(3)
✅️ Kordhinta Xasuusta iyo Shaqada Maskaxda:
Marka aad si fiican u seexato, maskaxdu waxay fursad u hayshaa inay dib u habayso macluumaadka aad baratay maalintii. Hurdadu waxay gacan ka geysanaysaa hagaajinta xasuusta iyo awoodda waxbarasho. —Waxay sidoo kale ka hortagtaa cudurrada sida (Alzheimer’s) iyo dhibaatooyin baddan oo kale oo xasuusta ku tacaluqa

(4)
✅️ Maareynta Miisaanka:
Hurdada habeenkii waxay saameyn ku leedahay hormoonnada rabitaanka cuntada sida “ghrelin iyo leptin”. Marka hurdadu yartahay, waxaa kordha rabitaanka cuntada, gaar ahaan cunnooyinka dufanka leh, taas oo sababi karta miisaankaagu inuu kordho. Hurdo fiican ayaa kaa caawin karta inaad miisaankaaga xakamayso oo aad caafimaad ahaan is ilaaliso.

(5)
✅️ Hagaajinta Niyada iyo Yaraynta Walbahaarka:
Hurdada habeenku waxay si weyn u hagaajisaa niyada qofka waxayna yareysaa walbahaarka iyo culeyska maskaxda. Qofku wuxuu dareemaa firfircooni iyo niyad fiican marka uu si fiican u seexdo. Hurdada yar waxa la xiriirta niyad-jabka iyo cudurrada dhimirka sida welwelka iyo stress-ka.

(6)
✅ ️Dhisidda iyo Dayactirka Jirka:
Inta lagu jiro hurdada habeenkii badanaa jidhka ayaa bilaaba inuu dib u dhiso unugyada dhaawacmay iyo muruqyada, isla markaana hormoonnada koritaanka ayaa si dabiici ah u kordha. Tani waxay muhiim u tahay caafimaadka guud ee jidhka iyo in la helo awood dheeraad ah.

(7)
✅️ Horumarinta Caafimaadka Sonkorta Dhiigga:
Hurdada habeenkii waxay gacan ka geysanaysataa xakamaynta heerka sonkorta dhiigga. Hurdo la’aantu waxay sababi kartaa caabbinta insulinta oo kordha, taasoo keeni karta khatar sare oo ah in laga qaado cudurka macaanka nooca 2-aad.


Hurdada wanaagsan waxay aasaas u tahay caafimaadka guud, waxayna si fiican uga qaybqaadata caafimaadka maskaxda, wadnaha, hab-dhiska difaaca, iyo shaqada jidhka. Haddii aad si wanaagsan u seexato, waxaad heli doontaa caafimaad iyo nolol tayadeedu sareyso. Haddii aad jaanis haysato habeenkii isku day inaad seexato hurdo kugu filan wakhti wanaagsan!

 

Share This Article